Gaadiidka Xamuulka oo la go’aamiyay inay habeenkii kasoo baxaan Dekadda Muqdisho

0

MUQDISHO – Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa caawa si rasmi ah u daahfuray in Dekadda Muqdisho ay hadda ka dib si buuxda u shaqeyn doonto maalin iyo habeen, iyadoo la bilaabay isku socodkii rasmiga ahaa ee Gaadiidka Xamuulka ee ka howlgalaya gudaha Dekadda.

 

Munaasabadda furitaanka, oo lagu tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo adeegyada dekedda iyo dhaqaalaha dalka, waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Jenaraal Asad Cismaan Cabdullaahi, Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo), Maareeye ku-xigeenka Dekadda, Madaxa Shirkadda Muqdisho Alport, iyo saraakiil ka socday hay’adaha amniga ee Caasimadda.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in shaqada joogtada ah ee dekeddu ay sare u qaadi doonto hufnaanta adeegyada, iyadoo yareyn doonta waqtiga ay ku qaadato badeecaduhu inay soo galaan ama uga baxaan dekedda, taas oo kor u qaadaysa koboca dhaqaale iyo isku socodka ganacsiga dalka.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay hirgelinta shaqada 24-saac ah guul muhiim u ah adeeg bixinta dekedda iyo dadaallada dowladdu ugu jirto casriyeynta kaabeyaasha ganacsiga ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here