MUQDISHO (SMN) – Gaarigaan oo looga shakisan yahay in qarax lagu soo xiray ayaa yaala dhisme kasoo horjeeda Xarunta Immigration-ka ee nawaaxiga isgosyka Shaqaalaha.
Ciidamada miino baarista iyo kuwa kale ee amaanka ayaa xiray waddada oo mashquul badan, si ay shacabka uga badbaadiyaan qatartaan laga shakisan yahay.
Sidoo kale waxaa hakad galay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga ee waddadaasi oo muhiim u ah shacabka magaalada Muqdisho.
Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana goobta ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya.
Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan ka gaysata gudaha Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay.