GURICEEL, Soomaaliya – Maamulka Galmudug ayaa ku fuliyay xukun toogasho ah Cabdifitaax Cali Xasan Diiriye, kaasi oo lagu helay dambiga dil bareer ah oo uu ka geystay magaalada Guriceel 16-kii November.
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunka ku fuliyay fagaare ku yaalla duleedka Guriceel, saacado yar kadib markii Maxkamadda gobolka Galgaduud ay ku dhawaaqday xukunka dilka ah, iyada oo sheegtay in caddeymo buuxa lagu helay eedeysanaha.
Ninka la toogtay ayaa waxaa Maxkamaddu ku heshay inuu si bareer ah u dilay ganacsade Deeq Cabdi Jaamac, arrin keentay in xukunka si degdeg ah loo fuliyo, maadaama dilalka aanooyinka qabaa’ilka ay maalmihii dambe kusoo badanayeen deegaanada Galmudug.
Garsoorayaasha Maxkamadda Galgaduud ayaa sheegay in dadajinta xukunka ay ugu talagaleen in farriin adag loo diro maleeshiyooyinka ku lugta leh dilalka dhiigga-badan ee ka socda gobolka.
Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Guriceel ayaa horey u codsaday in cid kasta oo dil ku gasha degmada la marsiiyo shareecada Islaamka, taas oo qayb ka noqotay dedejinta fulinta xukunka maanta la qaaday.
Dadka deegaanka Guriceel ayaa si aad ah u soo dhaweeyay fulinta qisaasta, iyagoo sheegay in cadaalad degdeg ah oo shaqeysa ay muhiim u tahay yareynta colaadaha iyo sugidda nabadgelyada bulshada.



