JIGJIGA (SMN) – Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta amniga deegaanka Soomaalida iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey sidii ay labada dhinaca isaga kaashan lahaayeen amniga iyo xasilloonida xudduudaha ay wadaagaan.
Sidoo kale shirkan ayaa waxaa lagu heshiisiiyey laba beelood oo wada dega xudduduuda labada deegaan oo ay horay colaadi u dhex martay.
Arrintan ayaa soo afjareysa colaad in muddo ah ka taagneyd deegaanada xadka ee labada maamul, taas oo sababtay dhimasho, dhaawac & barakaca dadka deegaanka.