Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kuraasta HOP063 & HOP011

0

BELEDWEYNE (SMN) – Magaalada Beledweyne waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kuraasta HOP063 iyo HOP011 ee Golaha Shacabka, kuwaas oo shalay dib loo dhigay doorashadooda.

Kuraastan oo loo geli tartan adag ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada xukuumadda federaalka iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo isna ah wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya.

Kursiga HOP063 ayaa ah kan ugu adag, waxaana ku tartami doono illaa 9 musharrax, halka kursiga kale ee HOP011 ay ku tartami doonaan laba musharrax.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana haatan hoolka ay ka dhaceyso doorashada kusii qul-qulaya ergada, xubnaha guddiga SEIT iyo madaxda maamulka.

HirShabelle ayaa waxaa weli ku harsan doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, iyadoona dib uga dhacday jadwalkii u dambeeyey ee 15-kii bishaan March.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here