Galmudug oo faah faahin ka bixisay dagaalladii ka dhacay Mudug

0

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dagaallo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Falagle ayaa sheegay in dagaalladaasi oo shalay dhacay ay khasaare ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen dagaalyahano badan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa tilmaamay inay sii socon doonaan dhaq-dhaqaaqyada ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta maamulkaas ay ka wadaan Mudug.

“Howlgalo ay ciidamada dowlada iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ay ka wadaan Koofurta Mudug waxa ay ku sii siqayaan magaallo xeebeedka Xarardheere.” ayuu yiri.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay ugu yaraan 30 askari ku dishay dagaalladaasi sidoo kalena ay dhaawacyada toboneeyo kale, sida ay ku baahisay Internet-ka.

Xaaladda deegaanadii lagu dagaallamay ayaa weli aad u kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay haatan wadaan labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here