Galmudug oo ku baaqday in loo gurmado shacabka Guriceel

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa furay Shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee Galmudug oo maanta ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo aay soo qaban qaabisay Wasaarada arimaha gudaha Galmudug waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta adeegyada bulshada, soo bandhigidda caqabadaha iyo fursadaha shaqo ee jira iyo hirgalinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowlada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku amray wasaaradaha Galmudug in aay gargaar la gaaran Dadka ku barakacay Guriceel ayago kashanaya Gudiga heer Wasiir ah oo uu magacaabay madaxweynaha Galmudug.

Sido Kale Madaxweyne kuxigenka Galmudug waxa uu faray Dagmoyinka Galmudug in ay ka so qayb qataan Gurmadka loo fidinayo Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here