Galmudug oo ku gacan seertay tallaabadii guddiga doorashooyinka

0

GAALKACYO (SMN) – Maamulka Galmudug ayaa si cad uga horyimid tallaabada uu qaaday guddiga doorashada ee ku aadan dhaarinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in go’aanka guddiga uu yahay mid ka baxsan awooddiisa, sidoo kalena uu ka hor imaanayo heshiisyadii doorashooyinka dalka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Jadwalka kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) wuxuu baalmarsanyahay heshiiyadii doorashooyinka.

————————————————————————

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka.

Hadaba, Dowladda Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.

Ugu danbeyntii, Dowladda Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hanaanka doorashooyinka.

Dhamaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here