Galmudug oo shaacisay liiska xubno ka tirsan Ahlu Sunna oo la baadi goobayo

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Booliska Galmudug ayaa soo saaray liiska 36 qof oo lagu raad joogo, kuwaas oo loo heysto hurinta dagaalkii ay Ahlu-Sunna ku soo qaaday Dhuusamareeb.

Dadka lasoo bandhigay ayaa isugu jiro kuwa madax ka ahaa Galmudug, saraakiil iyo dad shacabka oo kooxda u dagaalamay.

 Liiska la shaaciyey ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday, isla-markaasina noqday qofka ugu horreeya ee Booliska Galmudug ay baadi-goobayaan Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horey u soo noqday madaxii xukuumadda Galmudug, xilligii Madaxweyne Xaaf.

Madaxa howlgallada Booliska Soomaaliya ee ka howlgala Galmudug Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo warbaahinta u akhriyey bayaankii kasoo baxay Taliska Booliska ayaa soo bandhigay sawirrada dadka la doon-doonayo.

Saraakiisha ku jirta liiska dadkaan ay Galmudug doon-dooneyso waxaa sidoo kale ka mid ah,Taliyihii aas-aasay ciidanka Ahlu-Sunna Jeneraal Cabdullahi Xaaji Diiriye (Hanbacoor), guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb Cabdullahi Beentaa, Taliyihii hore ee NISA – Galmudug, G/Sare  Cabdullahi.

Dadkaan lasoo bandhigay ee lagu raad joogo ayuu sheegay Taliye Nuur Cilmi inay ku dhuumaaleysanayaan deegaano ka tirsan Galmudug, isagoo bulshada reer Galmudug ka codsaday in dadka ku jira liiskaan ay Booliska lasoo wadaagaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si sharciga loo hor keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here