Galmudug oo war kasoo saartay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Qoraal kasoo baxay Galmudug ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya.

Warsaxaafadeeekan ayaa waxaa lagu caddeeyey mowqifka dowlad Galmudug ee ku aadan xaaladaha haatan soo kordhay.

Halkan hoose ka aqriso:

Dowlad goboleedka Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.

Dowlad goboleedka Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.

Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here