Aqriso: Hay’adda Nabad Sugida oo soo saartay digniin culus

0

MUQDISHO (SMM) – Qoraal xalay xilli dambe ka soo baxay hay’adda nabadsugidda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay inay heleen xog la xidhiidha, in Al Shabaab ay beegsanayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal lagu baahiyey barta twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahaba.

Hay’adda nabad sugidda ayaa qoraalkeeda ku magcowday xubin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu qayb ka yahay qorshahaas, hase ahaatee ay hay’addu ku dabo jirto.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Ra’iisal Wasaare Rooble uu maalmo ka hor warbaahinta la wadaagay halis amni oo isaga ka dhan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here