Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan-gelisay deEgaanka Dhagtuur

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Galmudug ayaa xabbad joojin ka dhaqan galisay degaanka Dhagtuur ee Koofurta gobolka Mudug, markii saacadahii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay ill sadde qof oo xoolo dhaqato ahaa, kuna sugnaa halkaasi.

Mas’uuliyiin isugu jira maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay daminta xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay baajinta inaan dhib kale dhicin.

Dhinacyada oo maanta ku kulmay duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, isla markaana maalinta berri ah ayay u balameen shir weyne ka dhici doona degaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here