Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay wadanka Koonfur Afrika

0

Cape Town (SMN) – Warar ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah dalkaasi ugu geysteen wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa ganacsata dalkaas.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamuud, waxaana la sheegay in lagu dilay agagaarka magalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Sidoo kale kooxaha burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goor dambe meesha tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dalkaasi.

Koonfur Afrika ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana dil, dhawaac iyo dhac loogu geystay boqolaal Soomaali ganacsato ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here