Ganacsato badan oo ka faa’ideystay Maalgelinta Salaam Somali bank

0

MUQDISHO [SMN] – Salaam Somali Bank oo ah Bangi si gaar ah loo leeyahay ayaa weli ka qeyb qaadanaya kobaca dhaqaalaha Soomaaliya isagoo bixinaya lacag maalgelin ah oo lagu horumarinayo ganacsiyada yar yar.

Arbacada Maanta, 23-ka Febuary, xarunta Dhexe ee Bankiga ee ku taala Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa laga bixiyay lacagta Maalgelinta, ee lagu teegeerayo Ganacsatada yar yar ee ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasi oo baahi weyn u qabay in la taageero sidii ay u kobcin lahaayeen ganacsigooda.

Dadka ka faa’ideystay oo ay ku jiraan haween badan oo ganacsato ah, ayaa si isku mid ah u mahad celiyay maamulka iyo shaqaalaha Salaam Somali Bank, iyagoo sheegay inay tahay tallaabo ku dayasho mudan oo wax badan ka bedelaysa ganacsigooda.

“Aad baan ugu faraxsanahay in Salaam Somali bank ka helnay lacag maalgelin ah, oo aan faa’ido nalaga rabin” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadii maanta ka faa’iidaysatay barnaamijka Qarduu Xasan.

Salaam Somali bank ayaa lagu amaaney ka qeyb-qaadashada Horumarinta ganacsiga yar yar ee dhammaan gobollada Soomaaliya si ay qayb muhiim ah uga qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta faqriga.

Qardu Xasan ayaa laga bixiyay xarumo badan, oo bangiga ku leeyahay magaalooyinka dalka, waxaana barnaamijka Qardu Xasan dhiirigeliyay ganacsatada soo koraya.

Maamulka Salaam Somali bank ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka ganacsiga iyo dhiirigelinta hal-abuurka ganacsiga si loo soo nooleeyo dhaqaalaha Soomaaliya, loona yareeyo shaqo la’aan baahsan.

SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here