General Xuud oo Muqdisho wadahadal kula yeelanayo MW Farmaajo

0

MUQDISHO (SMN) – General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo la hadlay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyey wada-hadallada uu haatan kula jiro dowladda, isla-markaana uu gar-wadeenka ka yahay taliyaha ciidanka Lugta.

Generalka ayaa shaaca ka qaaday in dadaallada haatan socdo ay marayaan meel wanaagsan, isla-markaana uu han weyn yahay la xalliyo tabashada reer Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saacadaha soo socda ee maanta uu soo gaari doono magaalada Muqdisho, si uu ula kulmi doono madaxweyne Farmaajo.

Xuud oo hadalkiisa sii wata ayaa warajo wanaagsan ka muujiyey kulanka uu la yeelan doono madaxweynaha in xal buuxa looga gaari doono xiisadda Beledweyne oo la filayo in maalmaha soo socda lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here