General Sheegow Axmed oo maanta lagu maxkamadeynayo magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ayaa lagu wadaa maanta in ay dhageysato kiiska General Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal ciidan oo ay dowladdu soo xirtay 19-kii Augusto ee sanadkan.

 

Sheegoow oo ah nin kasoo jeedaa Qowmiyadda Jareerweyne ayey dowladdu horey ugu eedeysay in uu falal amniga lidi ku ah gacmaha kula jiray balse qaabkii loo soo qabtay iyo weerar hubeysan oo gurigiisa lagu qaaday ayaa caro ku abuuray shacabka uu beel ahaan kasoo jeedo.

Dadweyne careysan ayaa maalmo ka mudaharaadayey xariga Sheegoow kuwaasoo isku soo baxyo waaweyn ku qabtay Caasimadda Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Dhinaca Kale Xildhibaan Dahabo Suusoow oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa sifaha loo maray xariga Sheegoow ku tilmaamtay mid bahdilaad ah oo lagu liidayo Jananka iyo haybta uu kasoo jeedaba.

Siidoow Macalin Siidoow oo ah siyaasi firfircoon oo inta badan ka hadla xaquuqda ka maqan Beelaha Jareerweyne ayaa isaguna saxaafada iskugu wacay xiligaasi kadibna si caro leh uga hadlay Xariga Generaal Sheegow islamarkaana qabaa’ilkiisa ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan.

Hadaba sidee loo maxkamadeynayaa Generaalkan maxbuuska u ah dowladda? go’aan caynkee ah ayaa laga filan karaa in ay Maxkamada Ciidanku kasoo saarto Kiiska Genaraal Sheegoow” iyo su’aallo kale oo dhowr ah ayey is weydiinayaan dadka sida dhow ula socda arrimahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here