Golaha adeegga garsoorka Koonfur Galbeed oo la dhaariyey

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudiga Adeega Garsoorka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee dhowaan Madaxweynaha uu Magaacabay.

Lafta Gareen ayaa gudiga Adeega Garsoorka kula dardaarmay inay si cadaalad ah ugutaan waajibkooda shaqo ayna u cadaalad falaan bulshada.

“Dowladnimadu bilowgeeda iyo aas-aaskeeda waa garsoor iyo cadaalad hadii cadaalada iyo garsoorka uu galo walaac,baqdin iyo shaki oo uu istaagi waayo dowladnimadu maistaagto, waxaan ubaahanahay dadka reer koonfur galbeed meel waliba ay joogaan inay cadaalad helaan, xukunkaan iyo dowlada koonfur galbeedna ay ka helaan dadka hormuudka unoqonaayo oo larabo inay ka shaqeeyaan waa idinka waxaan idinkula dardaarmayaa inaad howshaas si cadaalad ah aad ugu adeegtaan bulshada.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Gudi Rabi uga bariyey in xilka loo igmaday la garab galo lana fududeeyo howsha adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here