Golaha Amaanka oo Shir muhiim ah ka yeelanaya Xaaladda Soomaaliya

0

NEW YORK (SMN) – Bishan October ayaa Golaha Amaanka waxuu yeelan doonaa kulan looga hadli doono xaalada Soomaaliya, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, bini’aadanimada iyo arrimo kale oo la xiriira dhanka siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda.

 

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay mudo-kordhin u sameeyaan Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Somalia (UNSOM), oo waqtigiisa hore ku eg 31-ka bishan October. Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga cunaqabateynta Al-Shabaab, Ambassador Ishikane Kimihiro ayaa la filayaa inuu golaha warbixin ka siiyo xaalada amni ee Soomaaliya.

22kii Juun ee sanadkan, Goluhu wuxuu yeeshay kulan xog-wareysi ah, oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya. Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna madaxa UNSOM Catriona Laing; Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka (ATMIS) Mohamed El-Amine Souef ayaa warbixino kala duwan ka jeediyay shirka.

Laing ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay horumarinta arrimaha mudnaanta iyo hortebinta u leh qaranka, oo ay kamid tahay guulaha laga gaarey dagaalka Al-Shabaab iyo dhismaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka, oo laf-dhabar u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxay tilmaamtay dhowr arrimood oo muhiim u ah UNSOM, oo ay kamid tahay isu keenida dadaallada beesha caalamka ee ku aaddan xasilinta dalka, mudnaansiinta taageerada hannaanka dowlad-dhisidda (gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka), iyo taageeridda dadaallada socda xalinta Laascaanood oo ka dhacay dagaal 8 bilood qaatay oo u dhaxeeyay SSC iyo maamulka Somaliland.

Warqad 19-kii Sebtembar loo diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka, ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku codsatay in muddo saddex bilood ah la hakiyo farsamo ahaan dhimista 3,000 oo askari oo kamid ah ATMIS ah oo la filayay inay dalka ka baxaan dhamaadka bishii hore.

Codsiga ayaa yimid kaddib weerarkii 26-kii Agoosto Al-shabaab ku qaaday saldhiga Cawsweyne ee gobolka Galguduud, kaasoo lagu dilay askar badan oo ciidanka xoogga dalka katirsanaa, waxayna dhacdadaas sababtay dib u dhac iyo inay ciidanka kasoo baxaan dhowr goobood oo Ceel-buur ay kamid tahay.

Waxaa ay xustay dowladda in mudada saddexda bilood ah ee hakadka lagu sameeyay bixitaanka Ciidanka ATMIS ay dib u qiimeyn ballaaran ku sameyn doonto howlgalka ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo la filaya inay mas’uuliyada amniga dalka kala wareegaan askarta Midowga Afrika Dec. 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here