Golaha deegaanka Bander-beyla oo doortay guddoomiye cusub

0

Golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar oo xalay liiskooda la shaaciyay ayaa saaka doortay guddoomiye cusub.

Golaha oo ka kooban 23 xubnood ayaa hab gacan-taag ah ku doortay guddoomiyaha cusub ee golaha degaanka ahna duqa degmada Bander-beyla.

Guddoomiyaha cusub waxa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Cali (Cabdirashiid Daacad) sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here