MUQDISHO, Soomaaliya — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey qaraar muhiim ah oo 14-ka October loogu aqoonsaday Maalin Qaran, si sanad kasta dib loogu xasuusto qaraxyadii iyo weerarradii argagixisada Khawaarijta ee dalka gilgiley sanadkii 2017-kii.
Fadhiga maanta oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa waxaa soo xaadiray tiro badan oo xildhibaano ah. Marka la qaaday codka, 137 xildhibaan ayaa oggolaaday qaraarka, laba xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.
Qaraarkan ayaa ka tarjumaya go’aanka Golaha Shacabka ee lagu sharafayo dadkii ku dhintay qaraxyadii 14-kii October 2017-kii, oo ahaa mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Maalintaasi, oo hadda loo aqoonsaday Maalin Qaran, ayaa lagu xusi doonaa sanad walba, iyadoo lagu baroordiiqayo dadkii ku nafwaayay iyo kuwa ku dhaawacmay, islamarkaana lagu muujinayo midnimada iyo geesinimada shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya argagixisada.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo midnimada qaranka iyo xusuusta dadka Soomaaliyeed ee ku nafwaayay falalka gumaadka ah ee ay geysteen kooxaha Khawaarijta ah.




