Golaha Wada-tashiga Qaran oo go’aan cusub kasoo saaray doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa yeeshay Kulan  fogaan arag ah oo looga hadlay qodobo dhowr ah oo khuseeya xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulankaan oo uu shir guddoominaayey Ra’iisul wasaare Rooble ,waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha DSowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaga Gobolka Banaadir, iyadoo  looga hadlay ajeendayaal ay ka mid ahaayeen xaaladda doorashada, Xal u helista caqabadaha jira, soo gabagabeyta doorashada iyo abaaraha ba’an ee ka jira dalka.

Golaha wadatashiga dood iyo falanqeyn ka dib, waxa ay isku raaceen in 15-ka Maarso la soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here