MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa caawa soo saaray bayaan rasmi ah oo ka dhan ah shir dhowaan uga soo xirmay magaalada Muqdisho, kaasi oo nuxurkiisu ahaa isfaham siyaasadeed iyo xoojinta wada-shaqeynta ku saabsan amniga iyo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.
Qodobada laga soo saaray shirkan ayaa si cad u muujinaya isku raaca xubnaha golaha in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyagoo hoosta ka xarriiqay in la garab istaago ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed si buuxda, loona xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga dalka.
Goluhu wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii amba-qaado is-afgaradka laga gaaray habraaca doorashooyinka si loo helo hannaan daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.







