Golaha Wasiirrada oo xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta

0

Muqdisho – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyagoo ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

 

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradda Difaaca looga dhageystay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray howlgalka “Beder” ee la fuliyay bishii Ramadaan.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee ka ganacsiga sharci darrada ah ee dawooyinka maanka dooriya ee la sameeyay sanadkii 1988, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedin ka timid Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana xilkaas loo magacaabay Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Waxaa xilka laga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Mahad Shub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here