Gollaha Amaanka oo u codeynaya qaadista cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya

0

NEW YORK [SMN] – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimca ah u codeynaya qaadista xayiraadda  hubka ee saaran Soomaaliya in ka badan 30 sano.

 

Goluhu wuxuu cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii si loo joojiyo qulqulka hubka ee dagaal gacanta u galayay  hogaamiye kooxeedyadii xukunka ka tuuray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, iyadoo inqilaabka uu dalka geliyey dagaallo sokeeye.

Xubnaha Gollaha amaanka oo ka kooban 15 dal ayaa lagu wadaa in maanta ay ansixiyaan labo qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, oo ku baaqaya in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, si dowladda ay usoo iibsato ama loo siiyo hub casri ah oo kula dagaalanto Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa tan iyo sanadkii 2006 waxa ay waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee ka taageeraya soo celinta nabada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u qalabayso ciidamadeeda oo loo diyaarinayo inay mas’uuliyadda amniga dalka kala wareegaan kuwa ATMIS Dec. 2024.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore sheegay in Soomaaliya ay sanadka soo socda la qaadi doono cunaqabateynta hubka, kadib dadaallo badan oo ku bixiyay in arintaas lagu guuleysto.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dib usoo kabasho ah, kadib in ka badan 30 sano oo colaado ah, waxaana dowladda wadaa sidii wadanka markale cagihiisa dib isagu soo taagi lahaa, iyadoo la qaadayo xayiraadaha saraan iyo deyn cafinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here