Goormee lasoo gabagabeynayaa howlgalka cusub ee ATMIS?

0

MUQDISHO (SMN) – Shir lagu hirgelinayey Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga dalka oo dib-u-habayn lagu sameeyey, kaas oo uu soo qaban qaabiyey Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo metelayey Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Saaxiibbada Soomaaliya ka taageera dhanka amniga.

โ€œDib-u-habayntan Qorshaha ay Soomaaliya si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga ka taageera uga la wareegayso masโ€™uuliyadda sugidda Amniga Dalka, oo muddo laga shaqaynayey ayaa maanta la isku raacay hirgelintiisa, iyada oo 31-da bishan Qorshahan la horgayn doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,โ€ ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qorshahan ayaa dhabbaha u jeexaya soo afjaridda magaca Hawlka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyada oo la isku raacay in magaca Hawl-galku noqdo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), si buuxdana loo soo gabagabeeyo Sannadka 2024-ka.

โ€œDhanka kale, waxaa la isla meel dhigay halbeegyada iyo ujeeddooyinka istaraatiijiyadeed ee hagaya Waajibaadka shaqo ee hawlgalka ATMIS, qorshaha gabagabaynta hawl-galka iyo qorshaha bixitaanka Ciidamada, iyada oo la raacayo hagitaannada iyo jihaynta dowladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here