R/W Rooble oo ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisal wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi.

“Waxaan  qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi oo Miqdisho ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Sheikhu waxa uu ka mid ahaa culimada waaweyn iyo aqoonyahanka dalka ee kaalinta weyn ku lahaa faafinta diinta Islaamka, nabadda iyo wacyigelinta bulshada.

Waxaan Allaha weyn uga baryayaa in uu Jannadii Firdows ugu deeqo ehelkiisa, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here