Guddiga Aqalka Sare oo ka shaqeynaya Hindise-sharciyeedka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka

0

Muqdisho – Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, kaas oo diiradda lagu saaray diyaarinta akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka Burcad-badeedda iyo Ka-hortagga Afduubka.

 

Kulanka oo ay shir-guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Naciima Gadhwayne, ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha Guddiga, sharciyaqaannada Golaha iyo khubaro sharciyeed oo ka socday Somlaw, kuwaas oo cilmi-baaris sharciyeed ku sameeyay sharcigan.

Khubarada ayaa bandhig u sameeyay xubnaha Guddiga, si ay uga helaan aragtiyo iyo talooyin wax ka tari kara turxaan-bixinta iyo horumarinta sharciga.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddigu ugu jiro diyaarinta iyo horumarinta Hindise-sharciyeedka, si loo hubiyo in uu waafaqsan yahay baahiyaha dalka iyo heerarka sharciyeed ee caalamiga ah.May be an image of one or more people, dais, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here