MUQDISHO – Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Aqalka Sare ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).
Kormeerka waxaa hoggaaminaysay Guddoomiyaha Guddiga, Senator Deeqa Xasan Xuseen, iyadoo ujeeddadiisu ahayd u kuurgalka diyaar-garowga roobabka mahiigaanka ah ee la filayo inay dalka ka da’aan dhawaan.
Xubnaha Guddiga ayaa masuuliyiinta SoDMA ka dhageystay warbixin ku saabsan diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhasha saameynta El Niño, gaar ahaan roobabka culus iyo fatahaadaha laga cabsi qabo.
Guddoomiye Ku-xigeenka SoDMA ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalo kala duwan oo ay weydiiyeen xubnaha Guddiga, kuwaas oo ku saabsanaa hannaanka diyaar-garowga, ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, qorshayaasha gurmadka, taageerada bulshooyinka nugul iyo wada-shaqeynta Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada isku-duwidda gargaarka iyo caafimaadka.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare, Senator Deeqa Xasan Xuseen, ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay diyaar-garowga khataraha ka dhalan kara roobabka la filayo iyo ka jawaabista xaaladaha bani’aadannimo ee u baahan gurmadka.
Waxay sidoo kale uga mahadcelisay masuuliyiinta Hay’adda SoDMA dadaalkooda ku aaddan diyaar-garowga iyo ka jawaabidda xaaladaha ka dhasha saameynta El Niño.




