Muqdisho (SMN) – Guddiga maamulka doorashada gobolladda waqooyi ee Somaliland ayaa u gudbiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal inay qaban doonaan 16 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale ย guddiga ayaa waxa uu ku war galiyey beelaha kuraastaa leh in ay 1/12/2021 ay yimaadan xarunta Guddiga SEIT.
Doorashada Golaha Shacabka oo ay cabasho xoogan ka timid ayaa ka socota magaalada Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed.