Shirka horumarinta adeegyada caafimaadka oo galay maalintii labaad

0

KISMAAYO (SMN) – Shirka Wadatashiga Waasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galay maalintii 2aad, kaas oo ku bilawday soo jeedinta ku saabsan warbixinada howlihii sanadkaan 2021 u qabsoomay Wasaaradaha Caafimaadka. Sidoo kale Shirka waxaa lagu lafaguray caqabadaha ka jira adeegyada Caafimaad ee Dowladu bixiso.

Dhanka kale waxaa lasoo jeediyay warbixin ku saabsan Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda Caafimaadka ee 3aad (HSSP-III), waxaana xigo doona qeybta 2aad ee Qorshayaasha heer Dowlad Goboleed oo bilaaban doona isla bisha December 2021.

Ugu danbeyntii Shirka waxaa soo bandhigay aragti bixinta qaabka loo diyaarinayo Xog Koobidda ilaha dhaqaalaha iyo lasocodka bixitaanka kharashaadka adeegyada Caafimaadka, iyadoo lacayimay kaalinta ay ku yeelan doonaan dhamaan Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowllad Goboleedyada, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Daneeyayaasha Caafimaadka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here