Guddiga doorashooyinka oo fasaxay doorashada kuraas horey loo hakiyey

0

MUQDISHO (SMN) -Afhayeenka guddiga doorashooyinka Axmed Safiino ayaa shaaca ka qaaday in la fasaxay doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Beledweyne, kuwaas oo shalay la hakiyey.

Axmed Safiino ayaa sheegay in la xalliyey cabasho markii hore ka timid kuraastan, sidoo kalena la dhammeystiro habraacyadooda.

Saddexda kursi ayaa kala ah HOP030, HOP010 iyo HOP066, waxaana lagu wadaa in doorashadooda maanta lagu qabto magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

“Annaga oo ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal waxa aan bulshada Soomaaliyeed, Ergada iyo musharixiinta ku tartamaya HOP#010, HOP#30 & HOP#066 ku wargelineynaa in la saxay habraaca qayb ahaan u dhinneed kaddib markii aan go’aansanay in la shaqeeyo xili habeen ah loona dhammeystiray, Doorashadu waxa ay dhaceysaa Salaadda Duhur kaddib sidaas awgeed musharixiintu waa in ay usoo diyaar garoobaan,” ayuu yiri Safiino.

Doorashada Golaha Shacabka oo marar badan dib u dhacday ayaa haatan mareysa gabagabo, iyada oo qorshuhu yahay in la dhameystiro 15-ka bishan March ee 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here