Guddiga doorashooyinka oo war ka soo saaray doorashada hoggaanka guddiga S/land

0

Qoraal war-gelin ah oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka qaranka ee heer federaal ayaa lagu shaaciyey in Sabtiga berrito ee 7-da Agoosto la qaban doono doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada Somaliland.

Doorashada oo 11:00 AM barqonimo ka dhici doonta teendhada Afisyooni ayaa lagu casuumay warbaahinta iyo daneeyayaasha caalamka.

“Doorashada Guddoonka Guddiga Maamulka doorashadda kuraasta labada aqal ee Somaliland waxa lagu qabanayaa Teendhada Afisiyoone , Sabti 10:00 Am, oo ku beegan 7-Aug-2021.

Waxa lagu casuumayaa Saxaafada, Hay-adaha Dawladda, Ururada Bulshada Rayidka, Gudiyada Doorashada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here