Aqriso: Goorma ayey bilaabaneysaa doorashada xubnaha BF ee Galmudug?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa Maanta shaaciyay in Maalinta Berito ah lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo  lahadalay warbaahinta ayaa sheegay  in labada kursi ee ugu horreeysa 5 Xildhibaan ee lagu dooranayo Dhuusamareeb beri la dooranayo, kuwaas oo kala ah HOP26 oo ay ku fadhido Ikraan Aadan Absuge & HOP104 oo uu ku fadhiyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Afhayeenka ayaa ergada wax dooraneysa ugu baaqay inay hoolka doorashada soo xaadiraan 8:00 Subaxnimo halka 9: 00 Subaxnimo  la doonayo inay yimaadaan musharrixiinta labada kursi ku taratamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here