Guddiga doorashooyinka dalka oo fasaxay kuraas ay horey u hakiyeen

0

BAYDHABO (SMN) – Guddida hirgelinta doorashada ee heer federal ee Soomaaliya ayaa sheegay inay fasaxeen laba ka mid ah afar kursi oo ay hore u hakiyeen. Guddida doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay kulamo la qaateen odayaasha dhaqanka ee soo xulay kuraastan iyo guddida doorashada ee Koonfur-Galbeed, isla markaana ay ku qanceen inuu sax ahaa, habraacii lagu doortay labada kursi ee ay fasaxeen oo kala kuraasta tirsigoodu yahay HOP103 iyo HOP204. Guddida doorashada ayaa sheegay inay go’aamiyeen in dib loogu laabto doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP154.

Guddida doorashada ayaa sheegay inay iminka wixii ka dambeeya ay rajaynayaan in xildhibaanada laga soo doortay Koonfur-Galbeed inay qaadan doonaan kaadhadhka aqoonsiga xildhibaanimo isla markaana ay ka qayb geli doonaan dhaarta xildhibaanada si hore loogu socdo.

Guddida doorashada ee heer federal kama ay hadlin xaaladda kursiga afraad oo ah kursiga muranku ka taagan yahay ee loo doortay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, la taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa dacwad ka dhan ah guddida doorashada ee heer federal u gudbiyey maxkamadda sare ee Soomaaliya isaga oo sharci darro ku tilmaamay tallaabada ay ku hakiyeen kursigiisa. Maxkamadda sare ayaa ka codsatay xafiiska garyaqaanka dawladda inuu muddo laba maalmood ah kaga soo jawaabo eedda uu soo gudbiyey garyaqaanka Fahad Yaasiin hase ahaatee xafiiska garyaqaanka guud ayaa dalbaday in wakhtiga loo kordhiyo.

Maanta oo khamiis ah ayaa loo ballansan yahay in la dhaariyo xildhibaanada, inkasta oo tiro xildhibaano ahi ay ku maqan yihiin maamul goboleedadii laga soo doortay oo aanay ku sugnayn caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here