Guddiga doorashooyinka heer federaal oo doortay guddoomiye cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa guddoomiye u doortay Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo la tartamay musharrax kale oo lagu magacaabo Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan.

Geelle ayaa helay codad gaaraya 14, halka murasharixii la tartamayey ee Cabdiraxiin Cabdicasiis uu helay 11 cod, sida uu shaaciyey guddiga qaban qaabada ee doorashadaasi.

Muuse Geelle oo guddiga kasoo galay dhinaca maamulka Puntland ayaa beddalaya guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Si kastaba, doorashada guddoonka ayaa kusoo aaday, iyada oo maanta ku beegan tahay 15-ka Janaayo oo ah maalinta loo asteeyey inay bilaabato doorashada baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here