Guddiga doorashooyinka oo baaq u diray madaxda maamul goboleedyada

0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada kale ee aan wali soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay xil weyn iska saaraan kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dawlad sharci ku dhisan islamarkaana matasha doonitaanka shacabkeeda.

“Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaraan fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, kaasi oo lagu soo doortay saddexda xubnood ee Aqalka Sare uga harsanaa Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa u mahadceliyya Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo si buuxda u soo dhameystirtay doorashada xubnaha siddeeda ah ee Baarlamaanka Aqalka Sare.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu xusay in Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay noqotay Maamul Goboleedkii labaad oo soo dhammeystira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee 2020/2021; taasoo runtii mudan ammaan ku aadan sidii ay xil isaga saareen habsami u socodka iyo dadejinta doorashada si’ugu yaraan loogu dhawaado waqtigii loo asteeyey doorashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here