Guddiga doorashooyinka oo hakiyey kuraas uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey halka ay mareyso doorashada, wuxuuna sheegay in magaalooyinka qaar laga gaaray meel wanaagsan.

Muuse Geelle Yuusuf ayaa sidoo kale shaaciyey in la hakiyey saddexda kursi ee kala ah:- HOP#154, HOP#103 iyo HOP#086, waxaana ku jira kursigii uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in kuraastani aan loo marin habraacyadii lagu heshiiyey, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here