Guddiga Gurmadka Abaaraha oo lacag ku wareejiyey maamullada dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa bilaabay qeybinta qoondadii lacageed ee Dowladdu ugu talo gashay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen,iyagoo maanta qoondo lacageed ku wareejiyay Dowlad-goboleedyada dalka.

Guddiga oo ay guddoomiye u tahay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gargaar  lacageed oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen  ku wareejiyay   Dowlad-goboleedyada dalka .

Munaasabadda wareejinta qoondadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa  ka soo qeyb galay Wasiirrada gargaarka ee Dowlad-goboleedyada iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubnaha wasiirrada ah ee Guddiga Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay munaasabaddii qeybinta qoondada lacageed ee dowladdu ugu talo gashay gurmadka abaaraha, ayaa sheegtay in ay sii  socon doonaan howlaha gurmadku.

Sidoo kale Wasiir Wasiirka Gargaarka ee Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya oo ku hadlay magaca dowlad goboleedyada ayaa uga mahadceliyay dowladda gurmadka ay soo gaarsiisay, isagoo ballan qaaday in la gaarsiin doono dadkii loogu talo galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here