MUQDISHO, Soomaaliya — Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii kulankooda toddobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, iyagoo dib u eegay howlaha sharci-dejinta iyo hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada baarlamaanka.
Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiye Jaamac ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay kulan uu la yeeshay guddi xildhibaano ah oo wakiil ka ahaa xildhibaannada mucaaradka. Waxa kale oo uu ka warbixiyay farriimo hambalyo ah oo uu ka helay guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalal kala duwan, hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah, iyo howlaha guud ee Golaha Shacabka.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri, ayaa sidoo kale guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada Golaha, gaar ahaan kuwa soo maray akhrinnada kala duwan.
Guddoomiyeyaasha guddiyada ayaa iyaguna warbixin ka bixiyay sharciyada ay gacanta ku hayaan, marxaladda ay marayaan iyo waqtiga la filayo in loo gudbiyo Golaha Shacabka si looga doodo.
Gebagebadii kulanka, Guddoomiye Jaamac ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Golaha Shacabka si uu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hoggaanka Golaha uu howlaha baarlamaanka u maamuli doono si waafaqsan xeer-hoosaadka iyo shuruucda kale ee u degsan Golaha.



