Guddiga loo saaray dhacdadii Golweyn oo la kulmay taliska ciidanka AMISOM

0

Guddigii heer wasiir ee Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dad rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadii Golweyn.

Wasiirka Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, saraakiisha AMISOM, Midowga Afrika iyo safiirka Uganda ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiirka in ay ka wada hadleen sidii dhibaatadii Golweyn ka dhacday loo xalin lahaa,islamarkaana cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadaas.

Sidoo kale, Wasiirka cadaaladda oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaar ka mid ah askartii ka dambeysay falkaas la soo xiray, halka qaar kalena baaritaan uu ku socdo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Mohamed Hussein Roble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn, ayaa guddi heer wasiir ah u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here