Guddiga xalinta khilaafaadka oo war kasoo saaray doorashooyinka

0

Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo ka hadlay kaalintiisa ku aadan xalinta cabashooyinka kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sheegay inay san jirin wax cabasha ah oo loo soo gudbiyay tan iyo markii ay doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ka bilawdeen qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada Dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in la qabtay doorashada sagaal kursi oo 4 kursi ka mid ah laga soo doortay Jubbaland iyo 5 kursi oo laga soo doortay Koofur Galbeed, taasi oo wadarta guud ee xubnaha Aqalka Sare ee soo baxay ka dhigaysa Sagaal kursi .

Mudane Maxamad Ibraahim Barre ayaa tilmaamay in kuraasta doorashadooda la qabtay ay si nabad ah ku dhaceen, isla markaana aysan jirin wax cabasho ah oo ka yimid.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay inay korjoogteeyaan goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, ayna wixii khilaafaad ah oo ay arkaan ay u mari doonan xalintooda habraacyada u degsan guddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here