Guddiga xallinta khilaafaadka oo farriin u diray musharixiinta tabashada qaba

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa ugu baaqay musharaxiinta Barlamaanka in wixii tabasha ah ee ay qabaan u soo gubiyaan Guddiga iyadoo guddigu ka jawaabay eedayn Midowga Musharaxiinta ujeediyeen guddiyada doorashada, taasi oo ku saabsan in kuraasta la boobayo.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka mudane Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

โ€œMusharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshadaโ€. Ayuu yiri Mudane Maxamed Ibraahim Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here