K/ Galbeed oo qabaneyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka

0

BAYDHABO (SMN) – Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Warqad kasoo baxday guddiga hirgelinta doorashada maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada saddex kursi lagu qabanayo magaalada Baydhabo, isla markaana doorashada ay dhaceyso 27-ka bishaan November oo ku beegan maalinta Sabtida ah.

Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay inay diyaar garow muujiyaan musharixiinta, isla-markaana ay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey hannaanka doorashooyinka dalka.

Kuraasta doorashada la qabanayo ee la shaaciyay ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP#18 oo uu afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kursiga tirsigiisu yahay HOP#170 waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali, halka kursiga tirsigiisu yahay HOP#171 ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here