Guddiga xallinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray kursiga Mahdi Guuleed

0

MUQDISHO (SMN) -Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa go’aan ka gaaray dacwad laga gudbiyay kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP239 oo dhowaan loo doortay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Guddiga ayaa shaaciyay hannaanka loo maray doorashada kursigan inay tahay mid sax ah oo waafaqsan Habraaca loo dejiyay doorashada dadban.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay guddiga doorashada heer federaal inay u fasaxan yihiin laga bilaabo maanta ku dhawaaqista natiijada kursiga nambarkiisa yahay #HOP239.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here