Guddiga xallinta khilaafaadka oo loo gudbiyey dacwad ka dhan ah kursiga Yaasiin Farey

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa shaaciyey in la hakiyey ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga lambarkiisa uu yahay HOP#67, kaas oo uu dhowaan ku guuleystay Yaasiin Farey.

Guddiga xallinta khilaafaadka ayaa sheegay in la soo gaarsiiyey dacwad ka dhan ah kursigaas, ayna go’aan uga gaari doonaan muddo todobo cisho ah.

“Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca lagu dhisay GXKHDD ee soo baxay I-dii Oktoober 2020, wuxuu ku wargalinayaa GuddigaHirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in dacwad laga keenay Kursi Lumber HOP#067,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga xallinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here