Guddiga xallinta khilaafaadka oo u jawaabay Golaha Midowga Musharixiinta

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa waxaa looga hadlay cabashada ka taagan doorashada Golaha Shacabka ee ka bilaabatay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Ugu horreyn guddiga ayaa beeniyey inuu is hortaag ku sameeyey dacwado ka dhashay doorashooyinkii la qabtay, kadib markii ay arrintaasi ku eedeeyeen xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale guddiga xallinta khilaafaadka ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta, haddii ay qabaan dacwado, ayna hayaan caddeymo inay soo gaarsiiyaan guddiga.

“Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban asagoo tixgalinaya in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay fikradahooda si xor ugu cabiri karaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, hadana Guddiga uma garawsana cabashooyinka warbaahinta oo kaliya la soo mariyo dacwo rasmi ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here