Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka iyo Safiirka UK oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xuquuqda Aadanaha

0
Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan Qasim, ayaa kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King oo ay ka wada hadleen mudnaanta arrimaha xuquuqda aadanaha, horumarinta hay’adda, iyo taageerada marxaladda dhismaha ee Guddiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada isla-xisaabtanka, ilaalinta qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee nugul, xorriyadda hadalka iyo aragtida, iyo taageeridda dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka si loo dhawro, loona horumariyo xuquuqda aadanaha si waafaqsan Mabaadii’da Caalamiga ee Paris.
Dr Maryam Qasim ayaa soo dhaweysay wadashaqeynta iyo doorka UK ee ku aaddan xoojinta arrimaha xuquuqda aadanaha Soomaaliya, oo ay ku jirto taageerada lagu adkeynayo sarreynta sharciga, isla-xisaabtanka, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here