Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryam Qasim, ayaa maanta Muqdisho kula kulantay Wakiilka cusub ee UNDP Soomaaliya, Christophoros Politis.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeeya Guddiga iyo hay’adda UNDP, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray kobcinta awoodda Guddiga iyo horumarinta howlaha la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku-duwidda iyo wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee ku howlan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqul insaanka Soomaaliya, iyo sidoo kale fursadaha lagu hirgelin karo barnaamijyo wadajir ah oo bulshada wax loogu qabanayo. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Guddiga, Mustafa Axmed Maxamuud, iyo Madaxa Barnaamijyada Dowlad-wanaagga UNDP, Evariste Sibomana.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka uu ku xoojinayo howlahiisa, iskaashiga uu la leeyahay hay’adaha caalamiga ah iyo gudashada waajibaadkiisa qaran ee ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.




