NAIROBI – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa soo gabagabeeyey barnaamij is-weydaarsi aqooneed oo socday muddo toddobaad ah, kaas oo ay martigeliyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR) iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR).
Wafdiga Guddiga waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Maxamed Haaruun Maxamuud, waxaana ka mid ahaa Xoghayaha Guddiga Fadumo Cabdiqai Yuusuf, Komishiner Farxaan Maxamed Jimcaale, Komishioner Cali Maxamed Cilmi, iyo Agaasimaha Guud ee Guddiga Mustafa Axmed Maxamuud.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada Guddigu ugu jiro dhismaha iyo adkaynta hay’adda, si uu u noqdo guddi madaxbannaan, hufan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana waafaqsan Mabaa’diida Paris (Paris Principles) ee hagaya hay’adaha Qaran ee xuquuqda aadanaha.
Barnaamijku waxa uu sidoo kale gacan ka geystay xoojinta iskaashiga iyo is-afgaradka u dhexeeya labada guddi qaran ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo abuuray fursad lagu wadaago aqoon, waayo-aragnimo iyo dhaqamada ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo ilaalinta iyo dhiirrigelinta xuquuqda aadanaha.




