Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Heshiis la Saxiixday Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda

0

Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, Axmed Maxamed Aljarwaan.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta kaalinta hay’adaha sharci-dejinta ee horumarinta nabadda, dulqaadka, wada-hadalka, iyo is-cafinta.

Waxa sidoo kale lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda uga mid noqoto Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, si aragtida nabadeed iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo fagaarayaasha caalamka.

Ugu dambeyn, labada guddoomiye ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU), kaasoo u suurtagelinaya Aqalka Sare inuu xubin rasmi ah ka noqdo Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 100 dowladood.

Heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ka caawinaysa inay kaalin firfircoon ka qaadato arrimaha nabadda, is-cafinta, iyo wada-hadalka caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here